
Bayraktar TB2 waa diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee ugu caansan waqtigan, taas oo waddanka Turkiga uu ku kasbaday sumcad caalami ah. Diyaaraddan oo si weyn loogu adeegsaday dagaallo badan ayaa noqotay mid ka mid ah hal-abuurada ugu waawayn ee ay Turkigu soo saaraan, gaar ahaan marka la eego tiknoolojiyadda difaaca.
Bayraktar TB2 waxa soo saarta shirkadda Baykar, oo ay aasaaseen qoyska Bayraktar dabayaaqadii 1980-meeyadii. Shirkadda markii hore waxay ahayd mid injineernimo oo ku howlan tiknoolojiyada guud, balse sanadihii dambe waxay diiradda saartay soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAV) iyo qalabyada difaaca.
Guusha shirkadda waxa si gaar ah loola xiriiriyaa Selçuk Bayraktar, oo ah madaxa farsamada (CTO) ee Baykar. Selçuk, oo ku takhasusay injineernimada iyo teknoolojiyadda, ayaa door weyn ka qaatay horumarinta Bayraktar TB2, isaga oo ka dhigay mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ugu awoodda badan dunida.
Sida loo adeegsado Bayraktar TB2
Diyaaraddan casriga ah waxa loo isticmaalaa hawlo kala duwan oo ay ka mid yihiin:
- Soo ururinta xogta sirdoonka iyo kormeerka.
- Sahaminta goobaha dagaalka.
- Fulinta weerarrada bartilmaameedyada muhiimka ah iyadoo la adeegsanayo gantaallada ay xambaarsan tahay.
Bayraktar TB2 ayaa si gaar ah loogu caan baxay awooddeeda duulimaad ee dheer. Waxay ku duuli kartaa masaafo dhan 300 km iyadoo weli ku xiran xarunta xakamaynta dhulka (Line of Sight). Sidoo kale waxay hawada ku sii jirtaa 24 saacadood oo xiriir ah, taas oo ka dhigaysa mid ku habboon hawlgallo joogto ah iyo la socodka bartilmaameedyada fog.
Meelaha ay ka dagaalantay Bayraktar TB2
Diyaaraddan ayaa ka qayb gashay dhowr dagaal oo waaweyn, taas oo sumcaddeeda ku faafisay caalamka:
- Libya (2019–2020): Bayraktar TB2 ayaa taageertay dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Tripoli, iyadoo weerarro culus ku qaaday ciidamadii uu hoggaaminayay Khalifa Haftar. Taasi waxay beddeshay jihada dagaalka.
- Nagorno-Karabakh (2020): Intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Azerbaijan iyo Armenia, Bayraktar TB2 ayaa taageertay ciidamada Azerbaijan. Waxay burburisay gaadiid gaashaaman, madaafiic iyo nidaamyo difaac cirka ah oo Armenia lahayd. Tani waxay gacan ka geysatay guushii Azerbaijan.
- Syria: Turkigu waxa uu Bayraktar TB2 ka adeegsaday howlgalada ka dhanka ah ciidamada dowladda Suuriya iyo kooxaha YPG/PKK. Waxaa loo isticmaalay weerarro iyo taageero ciidamada dhulka ah.
Faa’iidooyinka ay leedahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
Bayraktar TB2 iyo diyaaradaha kale ee aan duuliyaha lahayn waxay ka duwan yihiin diyaaradaha dagaalka ee duuliyuhu ku jiro dhowr sababood dartood:
- Badbaadada duuliyaha: Maadaama aysan duuliye lahayn, khatarta nafta bani’aadamka ma jiraan marka hawlgal halis ah la fulinayo.
- Howlgal dheer: Waxay hawada ku sii jiri karaan saacado badan, iyaga oo aan ku khasbanaan inay dib ugu noqdaan saldhig si shidaal ama nasasho loogu sameeyo.
- Kharash jaban: Qiimaha dayactirka iyo tababarka ayaa ka yar kan diyaaradaha dagaalka ee caadiga ah.
Guusha iyo saamaynta Bayraktar
Guusha Bayraktar TB2 waxa ay Turkiga ka dhigtay mid ka mid ah dalalka ugu horreeya ee tiknoolojiyadda difaaca, iyadoo soo saaridda diyaaraddan ay sare u qaadday sumcadda shirkadda Baykar. Sidoo kale waxay xoojisay madax-bannaanida tiknoolojiyadda difaaca ee Turkiga, taas oo ah yool ay dowladdu si weyn u xoojisay.
Dagaallada ay ka qayb gashay Bayraktar TB2 ayaa caddeeyay awoodda ay leedahay diyaaraddan. Waxa ay noqotay hub istiraatiiji ah oo ay dowlado badan oo caalamka ahi xiiseynayaan, iyadoo tusaale u noqotay sida tiknoolojiyad casri ah loogu adeegsan karo dagaalka, sirdoonka, iyo ilaalinta.
Bayraktar TB2 waa tusaale cad oo muujinaya sida tiknoolojiyadda casriga ahi u beddeli karto qaabka dagaallada iyo difaaca. Awooddeeda duulimaad dheer, kharash yar iyo awoodda ay ku fuliso hawlgallo culus ayaa ka dhigtay mid kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ugu saamaynta badan dunida maanta.
